Waa Maxay MIT License, Maxaase Aan U Doortaa?
Hordhac
Mararka qaarkood, marka aan horumariyo barnaamij ama kood, waxaan isweydiiyaa: “Sidee baan dadka ugu fududeyn karaa inay adeegsadaan, wax ka bartaan, ama xataa wax ka beddelaan arrintan aan sameeyay?” Aniga oo aad u jecel xurriyadda iyo il-furnaanta (open-source), waxaan doortay MIT License. Shatigan wuu iga yareeyay walwal kasta oo la xiriira xeerar adag, wuxuuna ii oggolaaday in aan bulshada la wadaago wax kastoo aan abuuro anigoon cidna ku xirayn shuruudo culus.
Maxay Tahay MIT License?
MIT License waa shati aad u fudud oo sooyaalkeedu ka yimid Jaamacadda MIT (Massachusetts Institute of Technology). Waxa uu u oggolaanayaa cid kasta:
- Si xor ah u isticmaasho software-ka—ganacsi ama gaar ahaaneed,
- Nuqullo ka sameyso ama wax ka beddesho,
- Qaybiso (faafiso) ama xitaa ka ganacsato.
Xorriyaddan ballaaran ayaana ka dhigaysa MIT License mid aad loo jecel yahay.
Sababta Aan Anigu U Doorbiday MIT License
1. Qof Jecel Xorriyad
Waxaan doorbidaa in qof kastaa helo xorriyad uu sameeyo waxa uu rabo koodka aan qoray. Kama helayo xeerar tiro badan oo xadidaya dadka sida “tan ma samayn kartid, taas ma samayn kartid.” Anigu waxaan aaminsanahay in xorriyaddaasi ay fure u tahay hal-abuurka.
2. Muhiim Iima Ahan Xusid (Credit)
In kasta oo ay fiican tahay in mararka qaar la yiraahdo “Software-kan waxaa qoray qof hebel,” aniga si gaar ah muhiim iima ahan in magacayga mar walba la sii xuso. Ku darista ama ka tagista magacayga cida isticmaalaya koodkayga, waxweyn iguma ahan. Waxa aan rabaa in xorriyad la helo, taas ayaana iigu muhiimsan.
3. Ahaanshaha Mid Sahlan oo Cad
MIT License aad buu u kooban yahay—wax badan ma aha in la akhriyo si loo fahmo. Tani waxay dadka siinaysaa kalsooni inay qaataan ama wax ka beddelaan software-ka, iyaga oo aan la kulmin hanaan sharci oo dhib badan.
4. Qof Jecel Fikradda Open Source
Waxaan si weyn u taageersanahay barnaamijyada furan (open source), sababtoo ah waxay kobciyaan hal-abuur, wada-shaqeyn, iyo koritaan bulsho. MIT License waxay mar walba fududeysaa inay dadka kale isugu tagaan mashruucayga, wax ku darsadaan, ama xataa wax ka beddelaan.
Malagayaaba Inan Beddelo?
Ilaa iyo hadda, wax weyn oon ka cawdo kama arag MIT License. Hase yeeshee, fikirkeygu mar walba wuu isbedbeddelaa, waxaanan ogahay inay jiri karto maalin aan u baahdo shati kale. Laakiin iminka, MIT License waxay la jaanqaaddaa ujeeddadeyda ah in la helo xorriyad ballaaran, waxaanan filayaa inay sii ahaan doonto doorashadayda ugu horreysa.
Gunaanad
MIT License waxay ii noqotay waddo aan barnaamijyadayda ku shaaciyo iyada oo ay dadku si sahlan u isticmaali karaan ama wax uga beddeli karaan. Anigu waxaan ahay qof raba in xorriyaddu noqoto mid la wada helo, si dhib yari ah.
“Wax kasta oo aan sameeyay, waad qaadan kartaa, badali kartaa, ama xitaa ka ganacsan kartaa—hal shuruud ah baa jirta, waana inaad la socodsiisaan shatiga MIT si dadka kalena ay xuriyadda u helaan. :) Waan jeclahay xorriyadda si aad ah, sidaas darteedna waa sababta aan MIT License u doortay.”
Mr Sharafdin.