
Git waa version control system – waa nidaam lagu maamulo code iyo isbeddelladiisa. Marka developer uu wax ka beddelo code, Git wuxuu xafidaa taariikhda isbeddelkaas (commit), si hadhow loo arko waxa la beddelay, cidda beddeshay, iyo goorta la beddelay. Git wuxuu kuu oggolaanayaa inaad sameyso branches kala duwan oo code lagu tijaabiyo, adigoon dhibaatayn project-ga. Markii la hubiyo, branch-fa waa la merge-gareeyaa, si loogu daro branch weyn ee project-ga.
GitHub se waa meel online ah oo lagu kaydiyo, laguna wadaago repos-ka Git. Waa halka ay developers-ku ay ku wada shaqeeyaan, kuna dhisaan mashruucyo caalami ah. GitHub wuxuu kuu oggolaanayaa inaad sameyso pull requests (PR), halkaas oo code-kaaga la hubinayo ka hor inta aan lagu darin project-ga.
Bal qiyaas inaad qoreyso buug. Git waa qalinka iyo buugga kuu oggolaanaya inaad nuqul kasta oo wax laga beddelo keydiso, si hadhow loo fiiriyo “chapter 2 markii hore sidee u qornayd?”. GitHub waa maktabad weyn oo dadka kale ku kaydin karaan buuggaaga, iyagoo sidoo kale kugula talin kara isbeddello cusub, qaarna xitaa kuu qoraya cutubyo cusub oo aad ku darayso.
Git waa taariikhda code-kaaga, GitHub waa guriga uu code-kaagu ku nool yahay. Qof kasta oo developer ah waa inuu bartaa Git & GitHub, sababtoo ah software casri ah laguma dhisi karo keli, ee waxaa lagu dhisaa wada shaqeyn iyo version control.
More like this

Waa Maxay Docker
Docker waa tiknoolajiyo beddeshay sida software-ka loo dhiso, loo tijaabiyo, loona deploy gareeyo. Haddii hore lagu tiirsanaa virtual machines (VMs) oo culus, Docker wuxuu keenay fikradda containers —goob uu barnaamijkaagu

Waa Maxay DevOps
DevOps waa eray ka kooban laba: Development iyo Operations. Waa falsafad iyo hab shaqo lagu mideeyo kooxda horumarinta software-ka iyo kooxda maamula nidaamyada (operations).

Waa Maxay CI/CD
CI/CD waa labo erey oo software developers-ka ay maalin kasta ku shaqeeyaan, balse dadka ku cusub mararka qaarkood waxay u muuqdaan wax aan la fahmin.