Waa Maxay SaaS?
SaaS (Software as a Service) waa barnaamij internet-ka laga isticmaalo oo si joogto ah ama credits ahaan lagu bixiyo, halkii nuqul la iibsan lahaa oo computer-ka la shubi lahaa.
Sidoo kale loo yaqaan
SaaS, SaaS-ka, software as a service
Sharaxaad
Waagii hore, software CD ayaa lagu iibin jiray, computer-kaagana ayaad ku shubi jirtay. SaaS-ku wuu beddelay: browser-ka ayaad ka isticmaashaa, cusboonaysiintuna toos ayay kuu timaaddaa. Netflix, Canva, Notion iyo ChatGPT dhammaantood waa SaaS.
Dhinaca dhisidda, SaaS wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood: account iyo login, plans iyo bogga pricing-ka, nidaam lacag qaadis, iyo xisaab la socota isticmaalka. App-yada AI-ga, inta badan credits ayaa la isticmaalaa: user-ku credits ayuu qaataa, shaqo kastana wax bay ka jartaa. Sababtu waa in model-ku isagu lacag ku baxo, sidaas darteed waa inaad ogaataa inta kaa baxaysa iyo inta aad qaadanayso.
Xeer muhiim ah: xisaabta credits-ka server-ka ku samee, ha ku samayn browser-ka, maxaa yeelay code-ka client-ka waa la beddeli karaa. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in adeeggu joogto ahaado: cloud, backups iyo la-socodka ciladaha.
Tusaale
App AI ah oo sawirka code u beddela: user-ku account ayuu sameeyaa, credits ayuu qaataa, kadibna mar walba oo uu generate dhaho, server-ka ayaa credits ka jaraya kadibna model-ka waca. Marka credits-ku dhammaadaan, bogga pricing-ka ayaa la tusayaa si uu dib u buuxsado.
Halkee ayaad Dugsiiye ku baranaysaa?
SaaS full stack ah oo AI ku dhex jiro, credits, plans, lacag qaadis iyo cloud storage: Build SaaS Apps Full Stack.
Video-ga
Daawo meesha uu ereygu kaga hadlayo
Sida uu u Shaqeeyo SaaS App-ka (Demo) 5:00
Koorsooyinka
Halkan ayaad si buuxda uga baran kartaa
Su'aalo
Su'aalaha badanaa la weydiiyo
- SaaS iyo website caadi ah farqigoodu waa maxay?
- Website-ku macluumaad ayuu bixiyaa. SaaS-ku shaqo ayuu qabtaa: accounts ayuu leeyahay, isticmaalkana waa la xisaabiyaa.
- SaaS keligay ma dhisi karaa?
- Haa. Qofka full-stack-ka ah keligiis wuu dhisi karaa: frontend, backend, database, lacag qaadis iyo deployment. Ku bilow fikrad yar oo hal shaqo si fiican u qabata.
Ereyo la xiriira
Sii wad akhriska
Waa Maxay payment?
Payment app-ka dhexdiisa waa habka lacagta lagu qaado: user-ku plan ayuu doortaa, adeeg lacag bixin ayaa xaqiijiya, kadibna app-kaagu wuxuu furaa waxa uu iibsaday.
Waa Maxay cloud?
Cloud computing waa in servers, kaydin iyo awood xisaabeed lagu kiraysto internet-ka, halkii mashiinno la iibsan lahaa. App-kaagu wuxuu ka shaqeeyaa mashiinno shirkad kale maamusho, adiguna waxaad bixisaa inta aad isticmaasho.
Waa Maxay deployment?
Deployment waa marka barnaamijkaaga aad ka saarto computer-kaaga oo aad internet-ka saarto, si qof kastaa u isticmaali karo. Waa talaabada u dambaysa ee project-ka ka dhigaysa mid nool.
Waa Maxay API?
API (Application Programming Interface) waa qaabka ay laba barnaamij isku xiraan: mid ayaa codsi diraya, midna wuxuu soo celiyaa jawaab. Shaqooyinka server-ka ku jira ayuu banaanka u soo saaraa si app kastaa uu u isticmaalo.
Waa Maxay full stack?
Full stack waa qofka ka shaqeeya labada dhinac ee app-ka: frontend-ka user-ku arko iyo backend-ka xogta iyo logic-gu ku jiraan. Waxaa lagu daraa database-ka iyo shubidda internet-ka.