Phase 2 — Modern JavaScript. JavaScript waa luqadda lagu qoro dhammaan web app-yada casriga ah. Halkan waxaad ku baran doontaa luqadda oo dhan — laga bilaabo aasaaska ilaa async patterns aad uga shaqayn doonto React iyo Next.js.
Maxaad baran doontaa:
- Variables, types iyo functions — aasaaska luqadda
- Arrays, objects iyo loops — sida xog loo maamulo
- ES6+ features — arrow functions, destructuring, spread operator
- Async JavaScript — Promises, async/await, fetch API
- DOM manipulation — JavaScript-ka iyo HTML-ka isku xirka
Dhammaadka phase-kan: Advanced Form Validation — isku dar DOM, events iyo validation. Projects-ka waaweyn waxaad ku dhisi doontaa Phase 3 (React) iyo MERN.