Dugsiiye somali courses

“Waxaan qirayaa inay idinka go'antahay in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo Programmers ah. Mahadasanidiin.”

Mohamud Ahmed,Somali Media and communication officer

Full Stack Software Engineer Mentorship.

Your Ultimate Gateway to Launching Your Software Engineering Career.

Faahfaahin ku saabsan mentorka

Video-gaan ayaad ka heleysaa xog walba oo ku saabsan mentor-ka

“The Fullstack Software Engineer Mentorship.” Your Ultimate Gateway to Launching Your Software Engineering Career.

The Fullstack Software Engineer Mentorship waa program aan ugu talagalnay in aan ku hormarino xirfadlayda soomaaliyeed oo aan soo saarno dhalinyaro Full Stack Developers ah.

Programm-kan waxaan qabanaynaa sanadkii 2-aad oo xiriir ah waxaana naga go’an in aan soo saarno xirfadlayaal ka shaqayn kara industry-ga technology-ga iyo IT-da.

Sanadkii hore waxaan qabanay programm-kan inaga oo hamigeena ahaa in aan soo saarno dhalinyaro developers ah oo dhisi kara fullstack applications .

Program-kii sanadka hore waxaan ku guuleysanay in aan soo saarno ilaa 10 qofood oo dhammaantooda ah fullstack developers.

Waxaad daawan kartaa video ku saabsan projects-kii ay dhiseen oo aad arki karto heerka ay ku gaareen wax ka yar 10 bilood inaga oo uga soo bilownay eber haa waa eber oo ilaa heerkan ay soo gaareen ilaahay mahadiisa hadana waxaa inaga go’an in aan kordhino tiradaasi waliba inaga oo sare u qaadi doona tayada program-kan.

Programm-kan waa program isku xiran oo hal pacakge ah waxaa hubaal ah in aadan u baahnaan doonin in aad raadiso courses kale.

“Hal package maxan ula jeedna ?”.

Waxaan ula jeedna in aan ka bilaabi doono zero oo macnaheedu tahay in aadan u baahnayn in aad qibrad hore lahaato waxa kaliya aad u baahantahay ayaa ah in aad haysto computer iyo internet access, sidoo kale uma baahnid in aad jaamcada soo dhigatay ama aad baratay kuliyada IT-ga kaliya hadaa taqaano sida loo isticmaalo computer-ka programm-kan waad qaadan kartaa , inaga ayaa kugu hagi doona ilaa aad ka noqoto qof fullstack Developer ah waliba inaga oo ku bari doona technologies-ka ugu casrisan dunida xiligaan la joogo.

“Sababaha aan programmkan u aas aasnay ?”.

Caqabadaha ugu xoogan ee hada jira waxaa kamid ah in qofka markii uu isku dayo in barto programming-ka ay ku adagtahay in uu helo qof haga oo u sheega wadada saxda ah taasi oo sababaysa in uu ka lumo wadada saxda ah ama ay waqti badan ku qaadato sidi uu u heli lahaa wadada saxda ah. Ugu yaraan waxay ku qaadanysaa 2 ilaa 3 sano in uu ku fahmo halka uu u socdo taasi oo qofka ka niyad jabinaysa in uu uu rumeeyo hamigii uu lahaa. Mustafe hersi oo ka mid ahaa aradadi successfull-ka ahayd ee sanadki hore ayaa yiri sidan isga oo tilmaamaya arinkaan :

“4-ta sano een jaamacada dhiganayay meel aanan isku dayin in aan programming-ka ka barto majirto lakin way ii suuro gali wayday , markaan programm-ka mentorship-ka dugsiiye kusoo biiray asbuucii 1aad ayay wax walba igu cadaadeen iyo meesha aan hiigsan doono”.

Kaaga sii daranee Markii uu helo wadada saxda ah hadana waxaa adag in uu helo caawimaada ku filan oo horey usii dhaqaajin karta maxaa yeelay wadadaan aad bay ja jab badantahay.

Runta markaan ka hadlo wadadaan waa wado adag oo u baahan iskaashi iyo kalsooni , kalsoonida waa dhankaaga anagana waxaan kuu haynaa iskaashiga oo marnaba ma dhacayso in garabkaaga aan firaaqayno marwalba oo aad ino baahato diyaar baan kuu nahay .

Programm-kan waxaa Lead ka ah Mohamud Osman oo barista iyo barasahda programming-ka kuso jiray mudo 10 sano ah macnaheedu ay tahay in uu si fiican ukala yaqaano wadooyinka saxda ah ee uu qofka marayo taasi oo kaa saacidi doonta in aad si dhaqso ah ku fahanto meesha aad u socoto iyo waxa aad baranyso.

“4 Sabab oo aad u baranysid Software Engineer !”.

Working as a Developer for a Company

In aad la shaqayso company taasi oo ah waxyaalaha ugu horeeya ee qofka ka saacidaya in uu xaliyo problems real world ah sidoo kalena hela high paying income sidoo kalena fahma sida suuqa uu u shaqeeyo.

Freelancing or Running Your Own Business

In aad noqoto freelancer oo aad manage gareyso waqtigaga oo aadna go’aan ka gaarto xiliga aad shaqaynyso iyo qofka aad la shaqynayso kuna darso meel walba oo dunida kamid ah ayaad kasoo shaqayn kartaa sida aniga hada waxaa ii furan meesha aan dunida rabo in aan kaso shaqeeyo iyadoo qofna ila maamulin waqtigayga iyo shaqada aan qabto.

Building Your Own Products or SaaS (Software as a Service)

In aad dhisto products ama software aad dadka lacag ku dalaci karto tusaale aniga waxaan sameeyay software-ka dugsiiye.com iyo imaginface.ai oo business dadka ay isticmaalaan lacag fiicana isoo geliya taasi iga kaafisay in aan noqdo qof xor ah oo aduunyada meeshu rabo kaso shaqayn kara oo igu xayirnayn qof bani aadam ah.

Create Educational Content

In aad noqoto content creator taasi oo kaa saacidaysa in dadka aad barto coding adiga oo ka helaya faa’idooyin badan oo ay ugu horeyso in aad feildagaga expert ku noqotid , dadka aad aqoon gaarsiiso sidoo kalena shaqo kuu noqoto . Maxaa yeelay sanadihii lasoo dhaafay aad bay sare ugu kacday waxbarista gaar ahaan mida online- ka ah jaanisyo aad u xoogan baa ka furan. Aniga wadaan ayaan raacay al xadmulilah aad baan ugu guuleystay adigana waad noqon kartaa.

“Maxa Layga Baahanyahay si aan u qaato Programm-kaan !”.

1. In ay kaa go’antahay in asbuucii aad heyso firaaqo 10 ilaa 15 saac oo u gaar ah programm-kan taasi oo aad ku qaadanyso practical fiican midaasi oo ku sahlaysa in program-ka aad ku dhameyso waqtigii loogu talagalay .

2. In ay kaa go’antahay barasahda programming-ka in aysan kaa ahayn waan rabaa kaliya ee aad latimaado go’aan adag oo kaa saacidi kara in aadan gadaal u laabanin .

3. In aad haysto computer iyo internet .

Hadii intan aad hesho waxaa kuu balan qaadaynaa in aad riyadaada ka dhabayso maxaa yeelay waxaan kuu diyaarinay road map-ka ugu fiican ee aad ku noqon karto full stack software engineeer .

Haka wal walin in aad heli waydo resouces kugu filan waxaa kuu diyaarinay resouces-ka ugu wanaagsan ee aad isticmaali karto si aad u rumeyso riyadaada sidoo kale aad wax wayn ugu badasho noloshaada.

“Mentor-kaan muxuu kaga duwanyahay kii hore ?”.

Mentor-kaan wax badan ayuu kaga duwanyahay midkaan waxyaalaha is badelay waxaa kamid ah :

1. Qaab qaadashada cashirada oo aan kadhignay mid duuban:

“Maxaan ugu dhignay sidaasi ?”.

Mentorkii hore aradadii qaadanysay 20% waxay class-ka ugu hareen waqtiga oo ciriiri ku ahaa maxaa yeelay class-ka waxa isu yimid dad jooga daafaha dunida oo waqtiyo kala duwan ku nool si loo helo interactivity-ga live-ka sidoo kalena qof walba xiliga ugu fiican asbuuca uu u qaato cashirada waxaan ka dhignay cashirada mid duuban oo interactive ah qofkana uu heli doona support joogta ah xiligii uu u baahdo.

2. Waqtiga oo aan gaarsiinay hal sano ilaa halsano iyo bar.

Mentor-kii hore qorshihiisa waxa uu ahaa 6 bilood lakin waxa uu nala gaaray ilaa 8 bilood taasi uu sababtay is bedelo xoogan oo ku yimid technologies-kii aan baranaynay sidoo kale waxaan ku soo kordhinay programyo cusub oo aan kii hore kujirin.

3. Programm-ka tayadiisa oo aan sare u qaadany.

Sanadka 100% aad ayuu ugu duwanyahy sanadkii hore maxaa yeelay sanadkii hore waxa uu ahaa tijaabo al xamdulilah ilaahayna waa uu nagu guuleyay sanadkan waxa la filayaa in programm-kan aan ka dhigno programmyada ugu caalmasan dunida not somalia kaligeeda.

4. Waxan soo kordhinay technologies cusub oo ay kamid tahay AI iyo mobile app development .

Sanadkii hore mentor-ka kaliya waxa uu ku ekaa web development lakin sanadkana waxaan kuso kordhinaynaa barashada mobile app development kaasi ka saacidaysa qofka in uu dhisi karo web iyo mobile app inaga oo isticmlayno javascript , sidoo kale waxaan la jaanqaadeynaa isbdelka dunida ka socdo dabcan waa AI , AI waa feature-ka technology-ga marka waxaa qasab ah in aan ka war hayno is bedelada dhacaya sidoo kalena aan ku dabaqno baahiyeheena.

“Maxaan baran doona?”.

Sanadkan aad baan u hormarinay waxyaalaha aad ku baran doonto mentor-ka waxad baran doonta :

1. Web Development

2. Mobile App Developemnt

3. AI Applications

4. Devops

Programm-ka waxaan u kala qaadi doona 7 qaybood

Qaybta 1-aad: Web development essentials

Qaybtaan waa qaybta ugu muhiimsan programm-ka waxaana ugu talagalnay dadka bilowga ah in ay si fiican u fahmaan aasaaska web development waxaana xooga ku saari doona barashada:

1. HMTL

2. CSS

3. Javascript

4. Git and Github

Qaybtaan developer-ka waxay ka caawinaysaa in uu fahmo sida loo dhiso loona design gareeyo websites-ka sidoo kalena loogu dhigo website-ka mid functional ah isaga oo isticmalaya javascript .

Git iyo github waxay developer-ka ka saacidaysaa in projectgiisa ku manage gareysto sidoo kalena si fudud u deploy gareeyo website-kii uu dhisay uuna la wadaago bulshada.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Well section-kaan waxaad ku dhameyn kartaa 2-4 bilood hadii aad tahay qof bilow ah halkan waa halka ugu muhiimsan ee aad xooga saarayso maxaa yeelay waxa gogol xaar u tahay inta ka dhiman program-ka, marka waa muhiim in aad si wacan waqti ugu qaadato .

Hadii aad tahay qof wax u bilaabanyihiin section-kaan 2 bil waad ku dhameyn kartaa adiga oo u gudbaya sections-ka kale ee course-ka .

Xusuusnoow isla xisaabtan ayaa jiri doona waana kula socon doona hadba halka aad marayso .

Qaybta 2-aad: Frontend Development

Qaybtaan waxaan xooga ku saaraynaa barashada frontend development inag oo isticmaalayna Frontend Library-ga ugu caansan ee react js.

Waxaan deep dive u galaynaa dhisida high performant applications inago marba marka ka dnebysa introduce gareynaynaa fikrado cusub sidoo kale waxaan dhisi doona projects super cool ah oo developer-ka ka saacidi doonta in uu fahmo frontend development.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Section-kaan waxaad ku dhameyn kartaa 2-3 bilood hadii ay tahay marka ugu horeysay ee aad react maqasho waxaa dhici doonta in waqti fiican aad u baahato in aad geliso basics markay basics kuu fariisato waxaa posible ah in aad advanced features si wacan u fahanto.

Xusuusnoow section-kaan midka ka horeeya waa in aad si fiican usoo hubisaa in fikradaha aad soo fahantay maxaa yeelay waxay kaa saacidaysaa in section-kaan ay si fiican kaaga dhaa dhacdo oo aadan culays badan ku dareemin.

Qaybta 3-aad: Backend Development And Databases

Qaybtan waxaan focus ku saaraynaa barashada databases-ka iyo sida loo sameeyo backend API-s waxaana isticmaali doona Nodejs sidoo kale waxaan introduce gareyn doona Databases kala duwan sida Relational Databases iyo NoSQL Databases.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Section-kaan waxaad ku dhameyn kartaa 2-3 bilood hadii bilow aad tahay 3 bilood bay kugu qadan doonta in aad ku fahanto concepts-ka halkan kujira.

Qaybta 4-aad: Full Stack Development

Qaybtaan waa qaybta ugu xiisaha badan waxaan dhisi doona fullstack applications inaga oo isku keeni doona wax walba oo aan soo baranay sida frontend iyo backend isugu xirmaan loogana shaqysiiyo, qaybtaan waxaad ku fahmi doonta sida aad u dhisi lahayd fully functional applications tasi oo kuu suuro gelinaysa in aad noqoto qof isku filan oo dhisi kara application walba oo uu doono.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Section-kaan waxay kugu qaadanysaa 1 ilaa 2 bilood waxay ku xiranthay sida aad usoo xaqiijisay fahamka frontend-ga iyo backend-ga wuxuna noqon doona project based.

Qaybta 5-aad: Mobile App Development with React Native

Qaybtaan waxaan ku baran doona sida loo dhiso mobile applications inaga oo isticmaali doona React Native taasi oo naga saacidaysa in aan dhisno Native applications oo ku shaqynaya iPhone iyo Android.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Qaybtaan waxay kugu qaadanysaa 1-2 bilood maxaa yeelay waxaan isticmaalaynaa React Native maadaama aan React soo baranay aad bay noogu sahlan tahay in aan fahano sida ay u shaqayso.

Qaybta 6-aad: Advanced Full Stack and Mobile App Development

Xaqiiqatan qaybtaan waa qaybta ugu xiisaha badan. Waxaan dhisi doonaa single API oo ka wada dhaxeeya mobile apps-keena iyo web applications-keena waxaa kasii xiiso badan ayaa ah in API-ga aan u isticmaali doono GraphQL iyo TypeScript iyo MongoDB, halka frontend aan isticmaali doono NextJs iyo TypeScript, waxaana sameyn doona mobile app kaasi oo kawada shaqeynaya Android iyo iOS-ba.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Section-kaan waxaa qaadanayaa 2-3 bilood waa qaybta ugu xiisaha badan hadba fahamkaaga aad soo fahantay sectionadii hore waxay qayb xoogan ka qaadanaysaa in aad waqtiga loogu talagalay ku dhameyso.

Qaybta 7-aad: Deployment CI/CD

Qaybtaan waxaan baran doonaa sida loo deploy gareeyo applications-ka webka iyo mobile-ka, sidoo kale waxaan baran doonaa Continuous Integration iyo Continuous Deployment (CI/CD) oo ah habka ugu fiican ee loo isticmaalo maanta marka laga hadlayo deployment iyo development.

Waqti intee la’eg ayay igu qaadan kartaa Section-kaan ?

Section-kaan waxaa uu kugu qaadanayaa 1 bil oo aan ku baran doono cloud computing in general iyo sida aan u deploy gareynayno web iyo mobile apps-keena.

So over all time-ka waxa uu noqonyaa 12-18 bilood hadba fahmakaaga iyo waqtiga aad geliso programm-ka .

Waxyaalaha aan ku kalsoonahay oo qofka saacidaya ayaa ah in uu waqti u gooyo program-ka taasi u ka saacidayso in uu lahaado routine hagi kara inagana waxaan diyaar kula nahay caawinaad joogto ah .

Rabigaga oo aad kaashato m Routine iyo caawinaad aad isku darsato wax ku celinaya ayaan jirin program-kana waqtigii loogu talagalay ayaad ku dhameyneysaa inshaa’alaah.

“Sidee loo qaadanayaa cashirada”.

Sanadkaan mentor-ka waxaa uu noqon doona in cashirada aad duubno waliba qaab interactive ah section walba waxaa la socon doona excercises iyo notes taasi oo kaa saacidaysa in cashir walba aad u hesho qaab video iyo qaab qoranba sidoo kalena aad xaliso excercies-ka taasi oo cadeyneysa in aad fahantay cocepts-ka la sharxay .

Midaan macneheeda ayaa ah in sanadkaan uusan jirin wax limitation ah sidii sandkii horey dhacday oo kale , sanadkii hore class-ka waxaa isla qaadanayay dadka ka kala yimid daafaha dunida sida , Africa , Europe , America iyo Asia .

Sidaa wada ognahay aduunyada waa kala waqti marka inagana inooma suuro galayso in 5 jeer kala duwan aan qabano barnaamijka , si tayada programmka loo xaqiijiyo sido kalena qof walba uu ku imaado xiligiisa uu firaqada helya waxaan go’aansanay in cashirada la duubo oo qofka si seamlessly uu ku qaato.

Pricing

Diyaar Ma'u Tahay ?

Iska Diiwan geli Programm-ka oo noqo software engineer

Daawo qaar kamid ah Projects-kii ay dhiseen ardada mentor-kii hore.

Pricing

Pick your package

“The Full Stack Software Engineer Mentorship.” is available in four different packages so you can pick the one that’s right for you.

Some kind words from early Students...

Arag qaar kamid ah aradadii wax ka baratay website-ka dugsiiye oo siyaabo kala duwan uga hadlay sida ay u arkaan dugsiiye.

  • Almost dugsiiye waxan wax ka baranayay labo sano course walbana madasha ku jira waan qaatay , waxa cajiibka ah ee madasha dugsiiye kaga duwan tahay madalada kale quality course-da, caawinaad mar walba ah oo aad heleydo hadi errors ku qabsado iyo last but not least in wax walba aad ugu baahantahay in aad barato inuu isugu keenay halkaas course. Tusaale course kii PHP aan ka qaatay ayaa waxan kala yaabay in mowduuc walba isugu keenay waxan dhihi karaa waxa uu ahaa front end + back end oo dhameystiran. Dugsiiye waxaan ku doortay markan arkay quality ga Course-dii WordPress . Hadana WordPress developer ayaan ahay oo ka xamaasha turkey. Thanks kun jeer ustaad xamuuda.

    Ismail Qasim
    Co-founder of Sharafdin Corp
  • I completed the Full Stack Development Program at dugsiiye Online learning platform and it was the best choice I could have made. It really helped give me a firm understanding of Web Development and Software Programming. I left feeling like I know the terminology I needed to continue by education and search for a job. I highly recommend."

    Abdullahi Mire Ahmed
    Fullstack Software Developer
  • Waxaan ahay web developer waxaan wax ka bartay Dugsiiye online oo aan ka qaatay labo koorso oo aan wax badan ka faaidey PHP for professionals iyo Modern Javascript xaqiiqatan waxaa is leeyahay waa madal online mida ugu wanaagsan Mahadsanidiin Dugsiiye team si gaar ah macalinkeyga qiimaha badan ustaad Mc Hamouda

    Anas Abdullahi Sabrie “Maandev”
    Web developer, CEO at Maankaab teach and lecturer Udemy

Author

Mohamud Osman – Hey there, I’m the author behind ‘Full Stack Software Engineer Mentorship’.

Magacaygu waa mohamud osman waxaan mudo 10 sano ah kusoo jiray programming-ka 6-dii sano ee ugu danbeysay waxaan ahaa bare online-ka kubara programming-ka. Inta aan kujiray waxaan aasaasay Dugsiiye oo ah madal eLearning ah oo lagu barto cilmiga IT-da iyo programming-ka sidoo kale waxaan aasaasay Imagingface oo ah website SAAS ah oo dadka u suuro gelinaya in ay helaan sawiro high quality ah ayadoo la'isticmalayo AI.

Mudadii aan ku jiray wax barista waxaan soo saaray developers aflaxay oo hada macalimiin iyo developers ah waana wax aad ii dhiiro gelinaya , walina waxaan ku taaganahay wadadaasi .

Waxaan sanadkii 2-aad oo xiriir ah ku rajo waynahay in aan programm-kaan Mentorship-ka u qabto si heer sare ah aana soo saaro developers heer sare ah oo suuqa wax kuso kordhin kara.

Get in touch at